“ Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynahu.
Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan isla markana ay ka fogaadan wax walba oo Bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.
Wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ayuu ku dhaliilay wax qabad la'aan, isagoo sheegay in aysan waxba soo kordhineeyn in deeqaha ay dalka ugu talogaleen ay u dhiibaan NGO-, kuwaa oo uu sheegay in aysan waxba qaban.