4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Hargeysa:Toddoba dugsi sare oo lagala noqday rusqaddihii ay ku shaqaynayeen

 

Isniin, August, 21,  2017 (HOL)- Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Somaliland ayaa shaacisay toddobo dugsi sare oo ku yaala magaaladda Hargeysa ay kala noqotay rusqaddihii ay ku shaqaynayeen, ka dib markii ay ka hor yimaadeen awaamiir ay hore wasaaraddu ugu soo jeedisay dugsiyadda sare ee Somaliland.

Agaasimaha dugsiyadda gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shidde ayaa ku dhawaaqay toddoba dugsi oo kuwo sare ee gaarka loo leeyahay oo rusqaddii kala noqdeen, waxaana lagu eedeeyey in ay iska qorteen arday aan wali imtixaankii fasaladdii 8aad ee ay galeen loo dhajin, waxaana hore amar loogu siiyey in aanay iska qorin arday aan haysan shahaadadda dugsiyadda dhexe,isla markaana inta arday waliba imtixaankiisa loo soo dhajinayo aanay qaadadin wax arday ah.

“ wasiirka waxbarashaddu wuxuu dugsiyadda sare ku xidhay shuruud ah in fasaladda 8aad inta la saxayo imtixaankoodii oo ka dhacay iyo ka baasay la kala ogaanayo in aan la qoran wax arday ah”ayuu yidhi agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay Shide.

Haseyeeshee toddobadan dugsi sare waxay jabiyeen amarkaasi, waxaana la sheegay inay iska qorteen arday aan wali imtixaankoodii la soo dhajin, taasina waxay keentay in gabi ahaanba rusqaddii la kala noqdo.

Toddobadan dugsi sare ee rusqaddii la kala noqday waxay kala yihiin:

1. dugsiga sare ee Tomorrow, 2. Dugsiga sare ee Shamdudiin la odhan jiray imikana la baxay 17 May, 3, Dugsiga sare ee Ilays one, 4. Dugsiga sare ee Amaana, 5. Dugsiga sare ee Aclas, 6, dugsiga sare ee Caalami iyo 7. Dugsiga sare ee Future.

Wasaaradda waxbarashada ayaa mudooyinkii u dambeeyey qaadaysay talaabooyin lagu horumarinayo,isla markaana wax lagaga qabanayo wixii carqalad ku ah waxbarashadda caruurta,iyadoo hore loo soo bandhigay macalimiinta qishka u fududeeya ardayda galaya imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare, kuwaas oo laga mamnuucay inay dib wax u baraan ardayda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.