4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Ninkii fuliyay weerarkii Barcelona oo la sheegay in uu dhashay dalka Morocco

 

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in darawalkii waday baabuur dad ku weeraray magaalada Barcelona, islamarkaana dilay 13 qof, uu yahay 22 jir u dhashay dalka Morocco.

Ninkan ayay sheegeen inuu xubin ka yahay unug argagixiso oo ka kooban 12 qof, uuna yahay qofka ugu dambeeya ee illaa iyo hadda la raadinayo.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada goboleedka Catalonia, Joaquim Forn ayaa u sheegay Raadiyaha Catalunya in tilmaamaha oo dhan ay muujinayaan in Younes Abouyaaqoub uu waday baaburka weerarka lagu fuliyey, oo sidoo kale 100 qof lagu dhaawacay.

Mas’uuliyiinta waxaa ay sheegeen in aysan ogeyn in Abouyaaqoub uu weli ku sugan yahay gudaha dalka Spain iyo in kale.

Booliiska ayaa xiray afar ka mid ah dadka la tuhunsan yahay, ayada oo inta soo hartayna ay dileen booliiska ama ay ku dhinteen qarax ka dhacay guri, maalin ka hor weerarka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa xiriir la lahaa magaalada ku taalla waqooyiga bari ee Ripoll, oo ka mid ah meelaha xoogga lagu saarayo baaritaanka booliska.

VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]