4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Laba Markab oo ku xidhnaa dekadda Berbera oo isku dhacay

Isniin, August, 21 , 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Berbera waxa laga soo sheegayaa inay Laba Markab oo midna ku soo xidhanayey dekadda Berbera, midna ka sii baxayey isku dhaceen, taas oo sababay khasaare soo gaadha labadda Markab.

Labaddan Markab ayaa xallay xilli dambe isku dhacay,waxaanu midna siday Xoolo nool, halka ka kalena yahay nooca xamuulka ah ee qaadda Kontiinaradda, waxaanay wararku intaas ku dareen in  khasaaraha soo gaadhay labadda Markab lagu sheegay in midna Taankiga biyaha waxyeelo soo gaadhay oo uu dalooshamay, halka ka kalena dhinac TaangigaShiidaalka waxyeelo ka soo gaadhay.

Inkastoo aanay wali wax war ah ka soo saarin maamulka Dekadda, haseyeeshee illo wareedyo ku dhow dhow maamulka Dekadda Berbera ayaa shilkaasi ku sheegeen mid sahlan oo lagu guddo jiro samayntiisa, halka baadhitaanna lagu waddo waxa shilkan sababay.

Labaddii habeen ee u dambeeyey waxa si xawli ah looga rarayey dekadda Berbera Xoolaha Nool oo la gaynayey Sucuudiga, waxaana labadii habeen ee u dambeeyey xoolaha ka dhoofay dekadda Berbera lagu sheegay tiro ka badan boqol iyo sodon kun oo Neef, iyadoo ilaa hadda raridda xooluhu si xawli ah uga socdaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland