Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Xildhibaanada
Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka,
kaa soo horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Sabtidii
hor-geeyay Aqalka sare Sharciga Isgaarsiinta dalka, waxaana labadii cisho ee la
soo dhaafay ay ka doodayeen sharciga.
Waxaa fadhigii maanta soo xaadiray 40 mudane kuwaa oo 39 ay ogolaadeen sharcigan
ay soo diyaarisay wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay
in sharcigan uu yahay ansax.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ansixinaya sharcigan,
sii uu dhaqan- gal u noqdo.
Waa markii ugu horeysay oo xildhibaannada Aqalka sare la horkeeno sharci ay
horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka tan iyo markii sanadkii
hore la dhisay dhisay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]