4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Baarlamaanka Galmudug oo ka hor yimid go’aan uu qaatay madaxweyne Xaaf

 

Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Xildhibaannada maamulka gobolleedka Galmudug ayaa intooda badan siweyn uga hor yimid go’aan uu qaatay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo u sheegay baarlamaanka in uusan soo magacaabis doonin gole wasiiro cusub, laakiin uu dib u soo celin doono kuwii hore ee maamulkii Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Xildhibaannada ayaa sheegay in arintaasi tahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana madaxweynaha looga fadhiyo in uu soo magacaabo gole wasiiro cusub.

Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay madaxweynaha ka diiden go’aanka uu ka qaatay soo magacaabista golaha wasiirada, waxaana uu intaa ku daray in ay ka doonayaan gole wasiiro cusub.

‘’Waxaa loo baahan yahay in Galmudug isbadal dhinaca maamulka uu ka dhaco, in badan oo xildhibaannada ah waxaa ay qabaan in go’aanka madaxweynaha uusan sax aheyn, loona baahan yahay gole wasiiro cusub’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Bishii May ee sanadkan ayaa loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyayna ma uusan soo magacaabin golle wasiiro cusub, waxaana sii shaqeynaya gollihii wasiirada maamulkii Cabdikariin Xusseen Guulleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]