4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal


Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas CabdiFitax Al-Siisi, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Qasriga madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira halkaasoo ay kuwa qaateen kulan gaar ah, oo lagu lafa-guray intiisa badan xiriirka labada dowladood iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Gaar ahaan mdaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay madaxweynaha uu la kulmay in shirkada Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dhinaca kale in dal ku galka loo fududeeyo dadka ku safraya Baasaboorada Shaqaalaha iyo Diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro Diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Ardeyda Soomaaliya.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimaha dhismaha ciidamada iyo dowladda Masar arintaa gacan ka siiso Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar ah oo dhaxmaray wasiirrada booqashada ku wehlinaya madaxweynaha iyo dhigooda dalka Masar, iyaga oo ka wada hadlay arimo quseeya wasaaradaha ay mas’uulka ka yihiin.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa dalka Masar ku wehlinaya wasiirradda Arrimaha dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru dowlaha waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]