4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maanta dalka Masar kula kulmi doono jaaliyadda iyo ururka Ardayda Soomaaliyeed

 
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaalidda iyo ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalladda Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Kulanka ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu ka dhici doonaan MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD, oo ku taalla Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray waddanka Masar ayaa waxaa si heersare ah usoo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisi.

Jaaliyadda iyo Ardayda ayaa lagu wadaa in ay su'aallo weydiiyaan Madaxweynaha, waxaana la sheegayaa in su'aalahaasi intooda badan ay ku saabsanaan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo hormarada la gaaray tan iyo markii lasoo dhisay dowladda hadda jirta. 

Halkaan ka aqriso Warqad kasoo baxday safaaradda Soomaalidda ee dalkasi, oo lagu sharxayo kulanka iyo xiliga uu bilaabanayo.

 


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia