4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Dadka ku nool deegaannada u dhow xadka Somalia-Kenya oo lagu amray in 24-saacadood gudahooda ay uga guuraan guryahooda

 
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Ciidanka Militeriga dowladda Kenya ayaa dadka ku nool deegaannada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya ku armay in 24-Saacadood gudahooda ay uga guuraan deegaannadaasi.

Militeriga ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaa howlgallo culus oo la doonayo in lagu qaado dagaalyanno ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab oo isku qarinaya deegaannada keymaha ee Boni Forest.

Amarkaasi ayaa shalay waxaa uu kasoo baxay madaxa howlgalka Linda Boni mission (Swahili for Operation Protect Boni) Joseph Kanyiri.

“Dadka xoola dhaqatada ah, waxaan ku amreynaa in ay ka fogaadaan keymaha, halkaas oo howlgalkeena xooggiisa uu ka dhici doono”, ayuu yiri Joseph.

Keymaha Boni Forest ayaa waxaa ay ku dhirirsanyihiin xadka waddamada Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan, waxaana dowladda Kenya inta badan ay sheegeen in Al Shabaab ay halkaasi weerarada ay kasoo qaadaan intooda badan.

17-ka bishii hore Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, wuxuuna amray in kooxdaasi mayalka adag la dilo dabeedna la aaso.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay in Shabaabka qaska ka wada gudaha dalka Kenya la soo qab-qaban doono.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia