4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Faa-faahin: Dagaallo u dhaxeeyay Al Shabaab ciidanka dowladda oo ka dhacay degmadda Afgooye

 
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ka geystay xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafaddaha Siigaale iyo Ceel-qode, halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaalka waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadda iyo dagaalyahanno tira ah oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in la iskugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in weerarka uu kasoo bilowday dhanka Wabiga.

Lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiraan war kasoo baxay maamulka degmadda. 

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa shalay sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka waddaan guud ahaan deegaannada hoos yimaada Gobolka.

Howlgallada ayaa si xooggan waxaa ay uga socdaan deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose, oo ay ciidanka dowladda iyo kuwo cadaan ah ay kala wareegeen Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay baarayaan guryaha, dadkana ay weydiinayaa su’aallo.

"Deegannada lagala wareegay Al-shabaa, waxaa loo sameyn doonaan maamullo, maadaama ay yihiin deegaanno Istiraatiiji ah” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia