3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2017
Sacuudiga “Dowladda Qadar waxaa ay carqaladeyneysaa xujeyda"

 
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Dowaldda Sacuudiga, ayaa Qadar ku eedeysay in ay carqaladeyneyso xujeyda sanadkan dooneysa in ay xajiyaan.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan.

Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xiriirka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xirtaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.

Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday.

Jimcihii lasoo dhaafay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaa go'aankii Sacuudiga uu xuduuda ugu furay xujeyda ka imaaneysa dalka Qatar.

“Markii horeba dowladda Sacuudiga waxaa ay siyaasad ka laheyd qorshihii ay xujeyda ugu diiday Xajka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda Sacuudiga, ayaa bishii June sheegtay in xujeyda reer Qatar ay Sacuudiga ku imaan karaan oo keliya safarda xagga cirka, ka dib markii ay xirtay xuduuda Salwa.

Tan iyo bishii June markii go’aankaasi uu kasoo yeeray Sacuudiga, ayaa waxaa wal-wal xooggan uu lasoo dersay xujeyda, waxaana la arkayay xujey badan oo aadeysa waddamo kale si ay halkaasi uga soo aadaan dalka Sacuudiga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/21/2017 2:07 PM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL)-Ra’iisul​ ​Wasaaraha​ ​Xukuumadda​ ​Federaalka​ ​Soomaaliya​ ​Mudane​ ​Xasan Cali​ ​Khayre​ ​ayaa​ ​maanta​ ​imtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka ​ ​oo​ ​ay​ ​qaadaneyso Jaamacadda​ ​Umadda​ ​Soomaaliyeed.

8/21/2017 1:44 PM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor oo dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay golle wasiiro ka kooban 52 xubnood

8/21/2017 11:56 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Kooxo tabarucayaal Turkiga ah ayaa u yimid Soomaaliya barnaamij qayb ka ah hindisaha hay'adda Horumarinta Turkiga, kuwaa oo ka qeyb-qaatay dayactir lagu sameeyo xarun agoon iyo dugsi wax lagu barto.

8/21/2017 11:18 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - magaalada Marseille ee ku taala Koonfurta dalka Faransiiska ayaa lagu waramayaa in qof gaari waday uu jiirisiiyay labo goobood oo laga raaco Basaska.

8/21/2017 10:50 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) -Munaasbadda daahfurka hanaanka dhismaha dowlahada hoose iyo goleyaasha deegaanka ee Jubaland oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha gudaha Jubaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo......

8/21/2017 8:47 AM EST
Isniin, August, 21, 2017 (HOL)- Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Somaliland ayaa shaacisay toddobo dugsi sare oo ku yaala magaaladda Hargeysa ay kala noqotay rusqaddihii ay ku shaqaynayeen, ka dib markii ay ka hor yimaadeen awaamiir ay hore wasaaraddu ugu soo jeedisay dugsiyadda sare ee Somaliland.

8/21/2017 8:44 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in darawalkii waday baabuur dad ku weeraray magaalada Barcelona, islamarkaana dilay 13 qof, uu yahay 22 jir u dhashay dalka Morocco.

8/21/2017 7:36 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaa soo horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka.

8/21/2017 6:28 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaa soo horay u meel mariyeen xildhibaannada gollaha shacabka.

8/21/2017 4:55 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Xildhibaannada maamulka gobolleedka Galmudug ayaa intooda badan siweyn uga hor yimid go’aan uu qaatay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo u sheegay baarlamaanka in uusan soo magacaabis doonin gole wasiiro cusub, laakiin uu dib u soo celin doono kuwii hore ee maamulkii Cabdikariin Xusseen Guulleed.

8/21/2017 4:33 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa fariin u diray hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga dowladda federaalka, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin dadka iska xir xiran ee aan sharciga la horkeenin.

8/21/2017 3:59 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas CabdiFitax Al-Siisi, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood.

8/21/2017 3:21 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaalidda iyo ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalladda Qaahira ee caasimada dalka Masar.

8/21/2017 2:24 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Ciidanka Militeriga dowladda Kenya ayaa dadka ku nool deegaannada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya ku armay in 24-Saacadood gudahooda ay uga guuraan deegaannadaasi.

8/21/2017 1:56 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ka geystay xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

8/21/2017 1:41 AM EST
Isniin, Augusto, 21, 2017 (HOL) –Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in duqeyn diyaaradeed lagu dilay Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir “Cali Jabal”.