4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Fadhigii golaha Wakiilada Somaliland oo kooram la’aan u baaqday

 

Axad, August, 20, 2017 (HOL)- kalfadhigii maanta lagu dooran lahaa gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada ayaa baaqday ka dib markii ay soo xaadireen xildhibaano tiro yar oo aan buuxin Karin kooramka laga rabay golaha oo ah 42 xildhibaan.

Xildhibaanadda diidan hogaaminta Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanu shirgudoomin Karin fadhiga maaadaama oo aan lagu heshiin, sidaas darteed waxa ka dhashay buuq iyo in xildhibaanadda badankoodu  diidaan in ay soo fadhiistaan hoolka shirarka ee golaha wakiiladda.

Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaan wali ku heshiin khilaafka ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha Wakiiladda, taasina waxay keentay inuu dib u dhaco doorashaddii gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda la dooran lahaa.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa mar kale dib u dhigay in golaha furmo waxaana loo ballamay maalinta Arbacadda ee toddobaadkan.

Illaa hadda xildhibaanaddu iskuma waafaqsanna doorashadda gudoomiyaha golaha Wakiiladda, sidaas darteed xildhibaanadda mucaaradka ayaa sheegay in illaa hadda la xaliyo muranka doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada in aan goluhu furmi Karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.