4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2017
Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku gacanseyray go’aankii dowladda ay ka qaadatay khilaafka Hirshabeelle

 

Axad, Augusto,  20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Hirshabeelle ee dhawaan xildhibaannadu sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen ayaa ku gacan-seyray go’aanka ay dowladda ka qaadatay khilaafka maaamulka, kaddib markii war ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha lagu Ayidan xil ka qaadistiisa.

Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayuu sheegay in markii horeba uu sii ogaa in go’aanka ay qaadanayaan gollihii wasiirada dhawaan booqday magaalada Jowhar, isaga oo intaa ku daray in uu isugu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamul gobolleedka Hirshabeelle.

‘’Qoraalka ay soo saareen waa mid iyaga u gaar ah oo tallaadooda ah, anigu waxaan ahay madaweynaha sharciga ah ee Hirshabeelle’’ ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mar uu soo hadal qaaday mooshinka xilka looga qaaday ayuu sheegay in uu ahaa mid sharci daro ah, madaama aan la marin waddadii saxda aheyd.

“24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo galinkii danbe ee maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya.

‘’Aniga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ii yeeray, shalay galab ayaan soo gallay, xalay ayaan is aragnay, wixii meesha ka dhacay ayaa u sharxay, madaxweynaha waa uu garwaaqsaday waxaana uu igu yiri berri safar ayaan ahay, Arbacada ayaa soo laabanayaa kaddib ayaa is arakeynaa, laakiin maanta markii uu safray ayaa go’aanka lagu soo beegay’’ayuu yiri Cosoble.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa soo saartay go’aanka dowladda federaalka ee khilaafka maamulka Hirshabeelle, waxaana ay dowladdu sheegtay in ay Ayiday kalsooni kala noqoshada Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana ay dhinaca kale ku baaqday in mudo 30 cisho ah lagu soo doorto madaxweynaha maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]