4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Digniin adag u diray Somaliland


Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka hortagayso in deeganada lagu muran-sanyahay la keeno sanaadiiqda cod bixinta ee Maamulka Somaliland.

"Annagu diyaar uma nihiin doorashooyinka la sheegayo in meeshan ay ka dhacaan , waad ka war haysa dhowr meelood oo ay isku dayeen in ay gali waayeen , askar-na looga dhaawacay sanduuqyadii looga qabsaday " ayuu yiri Eng. Camey oo tilmaamay in dhankooda ay diyaariyeen qorshayaal looga hortagayo arintaas.

"Waxaa weeeye howshaas waa howl iska fashilantay ,iyaga laftirkooda uma aaynay suurtagalin, ku day beyna ahayd ,ku daygiina waa uu fashilmay " ayuu mar kale yiri madaxweyne xigeenka " isaga oo tusaalooyin usoo qaatay qul-qulatooyin ka dhacay meelo kamid ah gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Waxa uu sheegay in hadii Somaliland ay mar kale isku daydo in sanaadiiqda doorashooyinka ay keenaan deegaanada Puntland laga bixin doono jawaab deg-deg oo uusan qeexin waxa ay noqon doonto .

"Anigu waxaan leeyahay ammaanka iyo xasiloonida halagu dadaalo meel kastaba ,kolay annagu daandaansi gali mayno , balse hadii aan aragno in ay soo galaan dabcan faraha ka laaban mayno " ayuu mar kale xusay Camey.

Ugu danbayn, Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gobolo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag ,waxaana marar hore soo dhex-maray xiisado ka dhashay muranka dhanka xuduudka la xiriira oo sababay khasaarooyin kala duwan.  

Faysal M. Hassan
[email protected]