4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Wasiir Xoosh oo kulan la qaatay guddiga la socodka dib –u-eegista dastuurka ee gollaha baarlamaanka


Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ay weliyaan agaasimaha guud iyo la-taliyayaal ka tirsan wasaaradda ayaa maanta la kulmay guddiga baarlamaanka ee la-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ugu horeyn wasiirka iyo xubnahii la socday soo dhaweeyey gudoomiyaha guddiga Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Intaa kaddib wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa guddiga faah faahin dheeraad ah ka siiyay howlaha wasaarrada ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka.

“Anaga markii aan la wareegnay xilka wasaaradda waxaa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar- garoowga geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka, waxaa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan ololaha dib-u-eegista dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn dhexmarta wasaaradda iyo guddiga isaga oo yiri “In aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan su’aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad su’aalo nooga weydiisaan hawlaha socda, farxad wayn bay ii tahay in aan wada-shaqayno guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wada-shaqeysay oo ka wada tirsanaa Baarlamankii 9aad” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale gudoomiye Cabdi Qaybdiid ayaa wasiirka uga mahad-celiyay hawlaha ay wasaaradda qabatay, waxaana uu ballan-qaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan dastuur dhameeystiran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]