4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Dhinacyadii ku dagaalamay Buuhoodle oo la kala qaaday

 

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Waxaa lagu guulaystey in la kala qaado dhinacydii shalay ku dagaalamay magaalada Buuhoodle, kadib markii gurmad waxgaradah ay degaano kala duwan ka yimaadeen.

Maxamuud Cali oo ka mid ah dadka degaanka ayaa HOL u sheegay in laga saaray magaalada kooxihii hubaysnaa ee labada beelood, waxaana la rajeynayaa in laysu keeno labada dhinac ee is haya.

"Waxaa dhintay nin ka mid ah dadka ergada ahaa ee gurmadka ku yimid, waxaana rasaaseeyey mid ka mid ah labada beelood ee hawshooda meesha loo Tegey, ninkii rasaasta lahaa waa la qabtay waxaana la sheegay in lagu wareejiyey Beeshii ninka ergada ahi ahaa" sidaana waxaa Hiiraan u Sheegay Suxufi Khadar Cawl, oo intaas raaciyey in qasaaraha dhimashada ilaa shalay ay ka dhigayso 10 ruux, halka dhaawacuna labaatan ka badan yahay.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali ayaa gadhwadeen haatan ka ah xabad-joojintan oo ay weheliyaan waxgarad iyo cuqaal ayaa gudi ka kooban 30 u saaray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadan.

Dhinaca kale Baaqyo kala duwan ayaa ka soo baxaya degaano kala duwan, oo ay ka mid yihiin Ceerigaabo, Xuddun, Taleex, Garoowe, Hargeysa iyo degaanno kale, waxaana la sheegayaa in ay ku sii jeedaan magaalada Buuhoodle ergooyin badan.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili maamaulka Khaatumo, garabka Cali Khaliif Galayr ay doorasho lagu dooranayo madaxweyne ku xigeen ayaa ka socotey magaalada Buuhoodle, taas oo dad badan ka cadhaysiisay dad-weynaha, xili horeyna loo hadal hayey xanshashaq lagu sheegay in xiisada hurinteed qayb ay ku lahaayeen.

Ugu danbayntii magaalada Buuhoodle waa degan tahay, meelo ka mid ah magaaladana waa ka muuqdaa raadkii colaadeed ee shalay haba u badnaado xaafadaha iyo suuqyada ay ku badnaayeen labada beelood ee colaadu dhexmartay, waxaase muuqata yididiilo waawaan nadeed.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool