4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2017
Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay khilaafka maamul gobolleedka Hirshabeelle

 

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mowqif ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, waxaana ay dowladdu aqbashay go’aankii ay qaateen xildhibaannada ee kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdullaahi Cosoble.

War ka soo baxay wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ka mid ahaa wafdigii wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u tagay Jowhar khamiistii ayaa lagu sheegay in ay tixgalinayaan go’aankii baarlamaanka Hirshabeelle ee ay gaareen 14-kii bishan, ee xilka lagaga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso tallada gudoonka iyo baarlamaanka Hirshabeelle ee ah in kursiga madaxweynaha u tartamaan oo kaliya beesha Xawaadle.


Akhriso Warka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]