4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Weerarrada shaqaalaha gargaarka oo kordhay sanadkan gudaha dalka Soomaaliya

 

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Weerarrada shaqaalah gargaarka QM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa kordhay sanadkan, iyadoo natiijada weeraradan ay noqotay in ay dhintaan qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ka howlgala.

Peter de Clercq oo ah Xiriiriyaha arimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan oo kaliya la soo wariyay 100 weerar oo lagu beegsaday shaqaalaha gargaarka, waxaana afar ka mid ah weeraradaa ay sababeen dhimasho.

‘’Soomaaliya, shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa arimaha bani’aadannimada ka shaqeeya ayaa la bartilmaameedsaday, sidoo kale waxaa jiray gargaar la xaday’’ ayuu yiri Peter de Clercp.

Xiriiriyaha ayaa ku amaanay shaqaalaha gargaarka QM sida ay ugu dhabar adeygayaan u gaargaarida dadka dhibaateysan iyo ka hortaga macaluusha halista ku ah Soomaaliya.

‘’Waan uga mahad celineyaa shaqaalaha gargaarka sida ay nolashooda maalin walba halista ugu galinayaan, iyaga oo u adeegaya dadka dhibaateysan, waxaanan ku dhiirigalineynaa in aysan niyad jibin’’ ayuu yiri Peter.

Hadalkan ayaa imanaya xili maalintii shalay loo dabaal-degay maalinta gargaarka Bani’aadannimada, waxaana ay saraakiishu ku baaqeen in la joojiyo beegsiga shaqaalaha gargaarka iyo dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]