4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Laba nin oo Soomaali oo lagu xiray Jazeera Malta, kadib markii lagu eedeeyay in dambiyo ay galeen

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ciidamada ammaanka ee Jazeera Malta, ayaa xabsiga dhigay Laba nin oo Soomaali oo lagu eedeeyay in dambiyo kala duwan ay geysteen.

Isbatoore Trevor Micallef, ayaa u sheegay majalada Majisteraytka Francesco Depasquale, in labada nin ee la xiray ay kala yihiin Shaban Adan Jama oo 21-jir ah iyo Maxamed Xabiib Xaashi oo 22 jir ah.

Laba nin ee Soomaalidda ah ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen falal xatooya ah, sida police-ka ay sheegeen.

Qareenka u doodayay dhallinyaradda oo lagu magacaabo Martin Fenech, ayaa maxkamadda u sheegay in macaamiishiisa aysan dambi galin, balse maxkamadda ayaa diiday codsiga qareenka, waxaana ay sheegtay in ay xaqiiqsatay cadeymaha ay keeneen marqaatiyaashii horyimid maxkmadda.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa la filayaa in ay cadeyso go'aankeeda ku aadan maxkamadeyn labada nin ee dambiyada lagu eedeeyay. 

Jazeera Malta waxaa ku nool Soomaali badan oo ka tahriibtay dalka Liibiyo, kuwaas oo doonayay in ay galaan Qaarad Yurub inteeda kale.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia