4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Haider al-Abadi oo ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda Daacish

Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ra'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda Daacish.

Kooxda ISIS, ayaa dalka Ciraaq waxaa ay ka geysataa weeraro xooggan oo intooda badan ay khasaare kasoo gaaraan ciidanka dowladda dalkaasi.

Haider al-Abadi, ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalladda Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.

Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalladda Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS.

Ciidamada Qaranka dalka Ciraaq oo farsamooyin taageera ah ka helay dowladda Mareykanka, ayaa dhawaan la wareegay magaalladda Mosul, oo aheyd deegaankii ugu weynaa ee ay maamulayeen kooxda Daacish.

Duullaankaan cusub, ayaan la ogeyn waxa uu kusoo kordhin karo howlgalka hadda ka socda guud ahaan dalkaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia