3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Khayre “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalladda Barcelona”


Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor ka dhacay Magaalladda Barcelona ee dalka Spain.

Weerrarka ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii Argagixiso ee ka dhacay magaalladda Barcelona”, sidaasi waxaa yiri Md. Khayre.

 

Dhinaca kale, maanta Dowlada dalka Spain ayaa ku dhawaaqday inay baabi'isay kooxihii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Barcelona. Wasiirka arrimaha gudaha ee Spain uan Ignacio Zoido, ayaa sheegay in arrintani ay xaqiijiyeen, kadib markii ay qiimeyn iyo baaritaan ku sameyeen dadkii la dilay iyo kuwa la xiray.

Balse mas`uuliyiinta maamul-gobolleedka Catalan ee dalka Spain ayaa dhankooda sheegay in laga yaabo in dad horleh oo laga shakisanyahay la soo xiro.

Qoyska reer boqor ee dalkaasi ayaana manta lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan munaasabad ducco ah oo lagu sharfayo dadkii ku dhintay weerarka. Munaasabada ayaa waxaa lagu qaban doonaa kaniisada sagrada.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia

 













Click here
8/20/2017 1:49 PM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Qin Jain,waxayn ka wada hadlayn habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara China iyo Soomaaliya, iyo sidii labada wadan uga wada shaqeyn lahaayeen dhanka maalagashiga iyo Ganacsiga.

8/20/2017 1:42 PM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.

8/20/2017 1:31 PM EST
Axad, August, 20, 2017 (HOL)- Wafti uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha dalka Britain ee iskaashiga caalamiga ah ayaa maanta kulamo la yeeshay hogaamiyeyaasha xisbiyada iyo xukuumadda.

8/20/2017 12:12 PM EST
Axad, August, 20, 2017 (HOL)- kalfadhigii maanta lagu dooran lahaa gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada ayaa baaqday ka dib markii ay soo xaadireen xildhibaano tiro yar oo aan buuxin Karin kooramka laga rabay golaha oo ah 42 xildhibaan.

8/20/2017 11:49 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Hirshabeelle ee dhawaan xildhibaannadu sheegeen in ay kalsoonida kala noqdeen ayaa ku gacan-seyray go’aanka ay dowladda ka qaadatay khilaafka maaamulka, kaddib markii war ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha lagu Ayiday xil ka qaadistiisa.

8/20/2017 10:01 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka hortagayso in deeganada lagu muran-sanyahay la keeno sanaadiiqda cod bixinta ee Maamulka Somaliland.

8/20/2017 8:33 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ay weliyaan agaasimaha guud iyo la-taliyayaal ka tirsan wasaaradda ayaa maanta la kulmay guddiga baarlamaanka ee la-socodka dib-u-eegista dastuurka.

8/20/2017 7:50 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Waxaa lagu guulaystey in la kala qaado dhinacydii shalay ku dagaalamay magaalada Buuhoodle, kadib markii gurmad waxgaradah ay degaano kala duwan ka yimaadeen.

8/20/2017 6:07 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mowqif ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, waxaana ay dowladdu aqbashay go’aankii ay qaateen xildhibaannada ee kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdullaahi Cosoble.

8/20/2017 5:51 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Weerarrada shaqaalah gargaarka QM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa kordhay sanadkan, iyadoo natiijada weeraradan ay noqotay in ay dhintaan qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ka howlgala.

8/20/2017 5:21 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa uu ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca iyo maleeshiyaad abaabulan oo ka tirsan dadka deegaanka.

8/20/2017 3:09 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ciidamada ammaanka ee Jazeera Malta, ayaa xabsiga dhigay Laba nin oo Soomaali oo lagu eedeeyay in dambiyo kala duwan ay geysteen.

8/20/2017 2:32 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Ra'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda Daacish.

8/20/2017 2:24 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka waddaan guud ahaan deegaannada hoos yimaada Gobolka.

8/20/2017 1:51 AM EST
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdishu.