4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay dalka Masar

 
Axad, Augusto, 20, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdishu.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kusii socdaan Magaalladda Qaahir ee dalka Masar, kadib markii madaxweynaha casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Masar Abdifitaax al-Sisi.

“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmi doonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano iyo wasiiro oo ay kamid yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed.

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalladda Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Farmaajo, ayaa waxaa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalidda ee ku nool Qaahir, waxaana kulankooda uu ka dhici doonaa MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Safaaradda.

 

 


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia