4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Cali Cosoble oo caawa Magaalladda Muqdishu u yimid arrimo la xiriira xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Xildhibaannada Hirshabeelle ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magallaadda Muqdisho.

Md. Cosoble, ayaa lagu wadaa in kullamo uu la qaato madaxda dowladda, waxaana la sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo, uu u ula kulmi lahaa.

”Madaxweynaha Caawa Maqribkii ayuu yimid Muqdisho arrimaha uu u yimid Muqdisho waxaa ka mid xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle”, sidaasi waxaa sheegay ilo-wareedyo.

Dhinaca kale, Md.Cosoble, ayaa waxaa la sheegayaa in kulamo uu la leeyahay qaar kamid ah safiiradda degan magaalladda Muqdisho.

Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Jowhar, ayaa waxaa ay tahay mid aad u sareysa, waxaana wali ka aamusan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

14-kii bishan Xildhibaannadda Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cod ay u qaadeen xildhibaannadda Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynaha ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen in la eryo halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.

Balse Md. Cosoble ayaa yiri ‘’Waa sharci darro mooshinka iyo go’aanka la gaaray intaba, sidaana xilka la iigama qaadi karo, walina waxaan ahay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayuu yiri’".

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia