4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Dagaal culus oo ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Dagaal xoogan oo la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood ayaa ka soconaya degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Ilaa Lix ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen sida dad goobjoog ah u sheegeen HOL, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo tira badan oo aan ilaa hada la xaqiijin karin tiradooda rasmiga ah.

"Lama cadayn karo dhaawaca, waase badan yahay oo waad garan kartaa dagaal magaalo ka socda" sidaa waxaa Hiiraan Online u sheegay Suxufi Khadar Cawl oo Buuhoodle ku sugan.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay dil dhawaan ka dhacay halkaas oo uu ninkii falka geystey Fakaday, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey xeerka Buuhoodle uu ahaa cidii cid disha in loo dilo.

Isku dayo badan oo la doonayo in dagaalkan lagu joojiyo ayaa lagu guuldaraystay, wixii ka soo kordhana dib ayaan idiinka soo gudbinaynaa.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool