4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Xujeyda Soomaalida oo ka cabaneysa dadka ka shaqeysta arimaha xajka

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Xujayda Soomaalida ah ee ka timid wadanka gudihiisa ayaa eedeen u soo jeediyey dadka kaxeeya xujaydda oo ay sheegeen in ay lacag badan ka qaadeen, islamarkaana meelaha ugu hooseeya la dajiyo.

Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaada iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay tilmaameen  hoteeladda ugu jaban aan wanaagsaneyn la dajiiyo taas oo ay barbar dhigeen Xujayda kale oo la dajiyo hotelada ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhaweeyo.

Wariye ka tirsan telefishanka Universal oo ka mid ahaa xujayda ka timid Yurub ayaa isbarbar dhig ku sameeyey xujayda Soomaalida ka timid wadanka gudihisa iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado meelo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaada lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro.

“Haddii aanu nahay Xujayda ka soo xajday Hargeysa waad arkaysaa hoteelka aan ku jiro kulaylka ka jira iyo dhididka naga baxaya, waayo qof walba waxaa laga soo qaatay lacag ku dhaw afar kun, halka Jabuuti lagaga soo Xajiyo kun iyo lix boqol oo doolar, wixii dadka laga qaaday dhib ma leh laakiin waa in ay dadku helaan adeeg wanaagsan oo u qalma, tusaale ahaan xaramku wuxuu noo jiraa 5m, halka Xujayda Soomaalida ah ee qurbaha ka yimaada oo lacag intan ka yar laga qaado hoteelo raaxo leh iyo masaajidka agtiisa  la dajiyo,”ayuu yiri mid ka mid ah Xujayda Soomaalida.

Wiil dhalinyar ah oo waday Ayeydii ayaa isna ka sheekeeyey dhibaatadda ka soo gaartay Xajka iyo goobta la dajiyey oo aan lahayn adeeg ku haboon, waxaanu yiri “Masaajidkii nabigu wuxuu noo jira 500m oo ku dhow hal killo mitir, Anigu waan socon kara iyo dadka dhalinayrada ah laakiin ayeyday oo kale waxay ku qaadanaysa wakhti dheer inta ay sii soconayso iyo inta ay soo soconayso, markii aanu ka iminaynay Hargeysa waxay nagu yiraahdeen Anaga adeegiina oo dhan diyaarinayna, laakiin maanu arag adeegii ay noo balqaadeen qofku isaga uun baa la silcaya qofkii uu waday oo ilaa masaajida Nabiga oo naga fog kolna la lugaynaya kolna ka soo kaxaynaya waana silic iyo dhibaato badan oo na haysata”

Dhinaca qurbo joogta soomaaldia ee xajka timid ayaa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxeyna sheegeen in ay u mahad celinayaa dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi“Anagu waxaanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaco leh.”

“Anaga qoladii naga soo qaaday Birmaham (Ingiriiska) waxay ahaayeen qolo aad u wanaagsan oo illaa magaalooyinkii aanu ku soo nasanay illaa Maka iyo Madiina meelaha ugu wanaagsan nagu dajinayey, imika hoteel aad u wanaagsan ayeey na dajiyeen, masaajidkana uu u  jira saddex daqiiqo oo salaad walba aan ku tukano,”ayuu yiri nin ka mid ah xujayda ka yimid Qurbaha.

Sheikh Maxamed Haybe oo ka mid ah xujayda soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka timid wadanka gudihiisa iyo nolosha adag iyo adeeg la’aanta ay wajahayaan marka Xajka gudanayaan, isaga oo yiri “ War dadka xujeyda wadda Aakhrina ha ku gubanina, aduunyada ha ku ceeboobina, ilaahayna xaaraan ha ka shaqaysanina, oo u tura oo u naxa oo hadii aydaan caawin karin faraha ka qaada, waa wax laga naxo oo calool xumo ah oo laga ilmeeyo oo aragax leh ayaad dadkaasi ku arkaysaa xujayda ah ee wadanka gudihiisa ka timid, ma jiro dad kale oo wadan kale ka yimid oo noloshaasi oo kale ku nool, xitaa dadka aduunka ugu fiqiirsan kuma jiraaan halka geeyo dadka Soomaalida ah ee xujayda ah”.

Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhaw afar kun oo dollar, halka wadamadda jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.