4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Tima Jare xalay lagu dilay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Tima Jare degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ninka Jima Jare ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdalla Saalim Sayid, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradii soo laabatay Yemen.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Saalim lagu hor dilay hoygii uu ka deganaa magaalada Jowhar, iyadoo kooxda dilka geystay horay u sii qaateen Mobil uu heystay.

Lama oga sababta loo dilay Ninka, laakiin dadka qaar ayaa dilkiisa la xiriirinaya fal burcdnimo.

Magaalada Jowhar kuma badna dilalka noocan oo kale ah ee lagula kaco dadka rayidka ah, waxaana soconaya baaritaanno ay waddaan laamaha amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]