4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Ciidamo is-baheysanaya oo la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa shegaya in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamo caalami ah iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM la wareegay deegaankaas, kaddib dagaal xooggan oo halkaa ka dhacay.

Ciidamadan iskaashanaya ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar dhowr jiho ku qaadan deegaankaas oo saldhig u ah Al-shabaab.

Gudaha deegaanka ayaa lagu waramayaa in dagaal culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan uu ku dhaxmaray labad dhinac.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dib u gurasho ka sameeyeen deegaanka, waxaana ay  dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanno oo kale oo aan ka fogeyn halka lagu dagaalamay.

Askari Mareykanka ah ayaa horaantii sanadkan lagu dilay weerar sidan oo kale ka dhacay deegaanka Bariire.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]