4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2017
Dowladda oo xal u raadineysa xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Hirshabeelle

 

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Magaalada Jowhar waxaa booqday maalin ka hor wafdi heer wasiiro ah oo ka socday xukuumada Soomaaliya, kuwaa oo wada hadalo la yeeshay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Hirshabeelle kaddib xiisad ka dhalatay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Wafdiga tagay magaalada Jowhar oo uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo wasiirka waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan.

Wafdiga oo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay qiimeyn in uu u kuur-galida aragtida mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo bulshada ee ku aadan is–mari-waaga siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay xogtooda la wadaagaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka, gaar ahaan ra’iisal wasaare Kheyre oo la sheegay in uu markii horeba wafdigan u diray Jowhar.

17kii October, sanadkii 2016- ka ayaa loo doortay Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, taasoo mincaheedu noqonayo in maamulka curdanka ah ee jira wax ka yar sanad durbaba uu la kowsaday xiisad siyaasadeed iyo is qabqabsi mas’uuliyiinta dhaxdooda ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii ay ka soo saarto go’aan arintan ku saabsan qalalaasaha siyaasadeed ee Hirshabeelle kaddib booqashadii wafdiga ka socday xukuumada ee tagay Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]