4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Wiil 12-jir ah oo isku dilay Bastoolad uu lahaa Aabihiis Magaalladda Muqdishu

Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Wiil da’diisa lagu qiyaasay 12-jir, ayaa xalay isku dilay degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu isku dhuftay Bastoolad la sheegay in uu lahaa Aabihiis.

Wiilka is dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, waxaana Aabihiisa uu kamid yahay Saraakiisha ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Militariga. 

Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacay xaafadda Buurdheere ee degmadda Waaberi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

“Wiilka yar ee is dilay, ayaa wuxuu isku dhuftay Bistoolada,  xilli uu ku ciyaaraayay”, sidaasi waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah dadka deegaanka Buurdheere ee Degmada Waaberi. 

Aabaha dhalay Wiilka yar ee is dilay, ayaa guriga ka maqnaa, xilliga wiilka uu isku dhufanaayay xabadda, ayeey hadalkooda sii raaciyeen dadka deegaanka.

Halista hubka looga tago guryaha, ayaa Qatar weyn waxaa ay ku tahay carruurta balse dhacdooyinka noocaa oo kale ah ayaa dhif iyo nadir ku ah gudaha magaalladda Muqdisho.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia