3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri ah ku wajahan dalka Masar kadib casuumaad uu helay


Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta Axad ee berri ah lagu wadaa in ay booqasho rasmi ah ku tagaan dalka Masar.

Md. Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah  ka helay dhigiisa dalka Masar C/fitaax Al-SiiSi.

Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha JFS Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu dalka Masar ku imaanayo booqasho rasmi ah, lana kulmi doono Jaaliyadda iyo Ardayda ku sugan Maagalladda Qaahira.

Warqad kasoo baxday Safaaradda Soomaalidda ee dalka Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in uu jiro kulan, waxaana warqadda ay u qorneyd sida.

 



Kulanka ayaa waxaa uu ka dhici doonaa MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Safaaradda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia
 













Click here
8/19/2017 4:41 PM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Xildhibaannada Hirshabeelle ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Dr Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magallaadda Muqdisho.

8/19/2017 10:37 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 7 ruux oo u badnaa dadka soo jeeday hal Qoys ku dhinteen qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen.

8/19/2017 9:35 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Dagaal xoogan oo la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood ayaa ka soconaya degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

8/19/2017 9:28 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Xujayda Soomaalidda ah ee ka timid wadanka gudihiisa ayaa eedeen usoo jeediyey dadka kaxeeya xujaydda oo ay sheegeen inay lacag badan ka qaadeen, isla markaana meelaha ugu hooseeya la dajiyo.

8/19/2017 6:42 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Tima Jare degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

8/19/2017 6:29 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa shegaya in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamo caalami ah iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM la wareegay deegaankaas, kaddib dagaal xooggan oo halkaa ka dhacay

8/19/2017 3:42 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Magaalada Jowhar waxaa booqday maalin ka hor wafdi heer wasiiro ah oo ka socday xukuumada Soomaaliya, kuwaa oo wada hadalo la yeeshay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Hirshabeelle kaddib xiisad ka dhalatay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

8/19/2017 3:22 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Wiil da’diisa lagu qiyaasay 12-jir, ayaa xalay isku dilay degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu isku dhuftay Bastoolad la sheegay in uu lahaa Aabihiis.

8/19/2017 3:19 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Booliiska dalka Finland oo ku raad jooga dad lagu tuhunsan yahay mindiyeyn baahsan oo hal qof lagu dilay, islamarkaana sideed kale lagu dhaawacay, magaalo xeebeedka ku taalla Koofnurta Galbeed ee dalkaas ee Turku.

8/19/2017 3:04 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Ciidamo isugu jira Cadaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen.

8/19/2017 2:24 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Booliska dalka Spain ayaa ayaa baadi-goob xooggan ugu jira qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona.

8/19/2017 2:13 AM EST
Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in ay toogteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuun dhanka dhimirka ah qabay, sida Soomaali ku nool dalkaasi ay sheegeen.