4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2017
Ciidamada dowladda Mareykanka oo toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuun dhanka dhimirka ah qabay

Sabti, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuun dhanka dhimirka ah qabay, sida Soomaali ku nool dalkaasi ay sheegeen

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida kunool Gobolka Washinton.

Falkaan ayaa ahaa mid aad looga naxay, maadaama wararka qaar ay sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa qof qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Dhinaca kale, waxaa hadda socda baaritaano ay waddaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi, waxaana Soomaalidda ay dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo sababtii loo dilay muwaadinka Soomaalidda ah.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in askariga toogashada geystay iyo ninka la dilay muran xooggan uu soo kala dhex galay.

Ciidamada Booliiska dalka Mareykanka, ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u toogtaan dadka Madoga ah, waxaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay dad badan oo ciidamada ay toogteen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia