4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo saddex ruux oo Kenyaan ah ku dishay degmada Lamu

 

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka lagu magacaabo Maleli oo ka tirsan degmada Lamu dalka Kenya, ayaa sheegaya in Al-shabaab saddex ruux oo deegaanka ah ku gowraceen.

Wargeyska Star oo dhacdadan wax ka qoray ayaa sheegaya in taliyaha booliiska ee gobolkaas xeebta Gilbert Kitiyo uu xaqiijiyay dhacdadaas.

Sidoo kale, dableyda weerarka geystay ayaa la sheegay in ay halka ku gubeen guryo dhowr ah sidda ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka oo arintan cabsi iyo anfariir ka qaaday.

Taliyaha booliiska gobolka xeebta ayaa sheegay in durbaba halkaa ay ku direen ciidamo, islamarkaana xaalada qiimeynayaan.

Weerarkan danbe ayaa imanaya iyadoo ay horay deegaankaas uga dhaceen weerarro halis ah, iyadoo malayshiyaadku ay weerarro ku qaadeen tuulooyin.

Ma jiro dhinaca Al-shabaab wax war ah oo ka soo baxay oo la xiriira dilka saddexda ruux waxaana soconaya baaritaanno arintan la xiriira oo ay wadaan saraakiisha amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]