4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Labo Askari oo lagu dilay Bariga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

 

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) - Laba Askari oo ka mid ahaa ciidamada booliiska ayaa lagu diley Bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaddib markii kooxo hubeysan rasaas ku fureen.

Ciidamada oo illaalo ka ahaa goob lagu bixinayey kaararka doorashada ayaa la sheegayaa in rasaas lagu furay.

Falkan oo dhacay xalay ayaa ilaa iyo hadda jirin cid ka hadashay oo maamulka ah, waxaase dadka goobtaasi ka dhowaa sheegeen in si kedis ah ay ku dhacday.

Waa goobtii labaad ee kaararka lagu bixinayey ee la weeraro, iyadoo maalmo ka hor weerar lagu qaaday tuulada Gorofley oo ka tirsan degmada Xuddun iyadoo ay sheegteen Jabhad ka soo jeeda garabka xoraynta Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool