4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Hoobiye xalay kusoo dhacay xaafad kamid ah degmadda Warta-Nabada

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Hoobiye ayaa xalay la sheegay in uu kusoo dhacay xaafad kamid ah degmadda Warta-Nabadda ee Magaalladda Muqdisho.

Hoobiyaha oo aan la garan halkii laga soo tuuray ayaa waxaa ay ku soo dhacay xaafada laba-dhagax ee degmadda Warta-Nabadda, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in madfaca ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo shacab ah.

Ciidanka ayaa howlgallo xooggan ka bilaabay xaafadda balse lama ogga cida ay usoo qabteen weerarka.

Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa mararka qaar kusoo dhaca hoobiyaal, kuwaas oo inta badan ay ka dhashaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada hoobiyaha xalay kusoo dhacay degmadaasi.

Dhinaca kale xalay degmadda Warta-Nabadda waxaa xalay lagu dilay Cusmaan Jaama Diraac, oo kamid ahaa xiriirka kubadda-cagta ee Soomaaliya.

Marxuumka, ayaa la sheegay in la dilay isaga oo kasoo laabtay salaadii cishaha ee caawa, waxaana lagu dilay xaafadda Xamar Bile ee degmada Warta-Nabada.

“Allah ha unaxariistee Cusmaan, waxaa uu ahaa "Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya". Sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xiriirka”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid kamid ah ragga ay isla shaqeyn jireen Marxuumka geeryooday.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia