3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda-Cagta ee Soomaaliya oo caawa lagu dilay Muqdisho

 
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Warta-Nabada ee magaalladda Muqdisho ku dilay Cusmaan Jaama Diraac, oo kamid ahaa xiriirka kubadda-cagta ee Soomaaliya.

Marxuumka, ayaa la sheegay in la dilay isaga oo kasoo laabtay salaadii cishaha ee caawa, waxaana lagu dilay xaafadda Xamar Bile ee degmada Warta-Nabada.

“Allah ha unaxariistee Cusmaan, waxaa uu ahaa "Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya". Sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xiriirka”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid kamid ah ragga ay isla shaqeyn jireen Marxuumka geeryooday.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goota isaga baxsaday ka hor inta aysan ciidanka Police-ka soo gaarin goobta.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka guddoomiyihii guddiga garsoorayaasha ee xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Marxuum Cusmaan, ayaa waxaa uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir marka ay timaado ciyaaraha kubadda-Cagta, waxaana uu garsooray kulamo-ciyaareed aad loo tixgelin jiray.

Qaar kamid ah garsoorayaasha xiriirka kubadda-Cagta ee Soomaaliya oo caawa lasoo xiriiray Hiiraan Online ayaa sheegay in ay ka tacsiyeeynayaan geerida Cusmaan Jaamac. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/17/2017 10:55 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ka degay wafdi uu horkacayo wasiirka wasarada arimaha gudaha iyo federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

8/17/2017 10:19 AM EST
Khamiis, August, 17, 2017 (HOL)- Xalay ilaa saaka waxa safaf loogu jiray xarumaha adeegga ZAAD-ka bixiya ee lacagaha mobile lagu shubto oo dadka qaar ka cabanayaan lacagtii mobil-ka ugu jirtay oo ay ka waayeen qaybo ugu jirtay lacagtoodii.

8/17/2017 9:45 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Dibaxbad xoog leh oo markii danbe isku rogay rabashado ayaa maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Laascanood ee goblka Sool , kaddib markii ay dadku ka biyo diideen in la kala sooco lacagta shilin Soomaliga ah.

8/17/2017 9:28 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ka bixiyay go’aanka maamulka Puntland uu kula saftay xulufada uu horkacayo Sacuudiga, isaga oo dhinaca kale sheegay in dowladda federaalka xaq u leedahay in looga danbeeyo siyaasada arimaha dibada.

8/17/2017 9:10 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Munaasabad ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka iyo marti Sharaf kale ayaa Shahaado lagu guddoonsiiyay ilaa 400 oo Ardey ah kuwaa oo dhameysatay waxbarashada Jaamacada Daaru-Salaam.

8/17/2017 8:43 AM EST
Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee Minneapolis Mudane Cabdi Warsame iyo mas’uuliyiin katirsan hay’ada dalxiiska iyo jardiinooyinka ayaa si wada-jir ah uu dhegax dhigay dhismayaal cusub ay yeelan doonto garoonka weyn ee Peavey Park.

8/17/2017 7:47 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Kulankii golaha wasiirada ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa warbixin looga dhageystay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed A Salaad Oomaar.

8/17/2017 7:23 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo markii ugu horeysay maanta ka qeybgalay shirka gollaha wasiirada ayaa dalbaday in loo kordhiyo dakhliga la siiyo gobolka Banaadir.

8/17/2017 7:16 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo garabsanaya ciidamada dowladda saaxiibada la ah Soomaaliya ku dileen Jubbada dhexe 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

8/17/2017 5:29 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Ilaa Lix boqol oo muhaajiriin ah ayaa laga badbaadiyay xeebaha dalka Spain iyo shan toban Doon oo la soo shiraacday sida la sheegay dalka Morocco.

8/17/2017 5:13 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegtay in fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar si ay halkaa uga soo gudbaan dadka u dhashay dalkaas ee soo xajinaya.

8/17/2017 4:52 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Hay’adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo dhan $ 30 kun oo dollar oo la siin doono cidda soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

8/17/2017 4:19 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran dalka India ayaa lagu waramayaa in uu ku dhintay xabsigii uu ku jiray kaddib xanuunka sokorta oo muddo dheer hayay.

8/17/2017 2:38 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Kooxda Real Madrid ayaa mar kale dhinaceeda dhulka dhigtay naadiga ay xifaaltamaan ee Barcelona, kadib markii 2-0 lagu garaacay xalay.

8/17/2017 2:20 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Qiyaastii 11 qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay dalka Koonfur-Africa, sida ay sheegayaan ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi ku ganacsada.

8/17/2017 1:57 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, oo shalay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa sheegtay in 2 million oo dollar ay ku bixinayaan shaqa abuurka 1,000 qof oo dhallinyaro Soomaali ah.

8/17/2017 1:36 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 27 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalladda Raqqa ee dalka Suuriya lagu garaacay.

8/17/2017 1:19 AM EST
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo habeen hore ku geeriyooday Magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka.