4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Ganacsiga Laascaanood oo maalintii saddexaad xiran


Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Dibaxbad xoog leh oo markii danbe isku rogay rabashado ayaa maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Laascanood ee goblka Sool , kaddib markii ay dadku ka biyo diideen in la kala sooco lacagta shilin Soomaliga ah.

Kumanaan isugu jira dhalinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay fars-magaalaha laga dukaamaysto kuwaas oo ku qasbay goobo kooban oo saaka ganacsigooda furay.

Dadkan kacsan ayaa warbaahinta u sheegay in aanay ogolaan doonin in ganacsi la furo illaa inta xal looga helayo diidmada lacagta Soomaaliga ah oo ah ta keliya ee ka shaqaysa degaankaas.

Ciidamada booliiska oo garabsanaya kuwa militariga ayaa dhawrjeer isku deyay in ay kala eryaan markii ay qasaare soo gaarsiiyeen goobo ganacsi, gadiid iyo dad shacab ah, iyaga oo tuuraya dhagxaan.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo saxaafadda qaarkeed kula hadlay bartamaha magaalada ayaa waxa uu sheegay in ay san jiri karin lacag la diidayo aan ka ahayn lacag duug ah oo ka muuqaal duwan lacagta kale taas oo uu sheegay in koonfur laga soo waarido.

"14 qof ayaa lacagtan keena magaalada waana soo dhamaatay baaritaankoodii hadana waxaan diyaar u nahay in aan sharciga horkeeno, cidna uga looguma turayo dadka ihaanada ku haya bulshada" ayuu yiri Khare, isagoo intaas ku daray dardaaran iyo digniino uu u soo jeediyey ganacsatada iyo dadweynaha.

Ciidamamada booliiska ayaa saldhigyada ku haya dad badan oo loo soo xirxiray rabshadaha ka socda magaalada, waxaana aan suuragal ahayn in la ogaado tirada dhabta ah ee ku xiran saldhigyada, waxaase saraakiil ciidamada xaqiijiyeen in ay u badan yihiin carruur dibadbaxa qeyb ka aheyd.

Debedbaxan oo ahaa kii ugu balaarnaa ee soo mara mudooyinkan danbe ayaan qasaare badnayn iyadoo aad arkayso ciidamada booliiska oo dhex-socda dadka intii aysan bilaabmin rabshadaha.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool