4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Madaxweynaha Puntland oo faah faahin ka bixiyay go’aanka Puntland ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ka bixiyay go’aanka maamulka Puntland uu kula saftay xulufada uu horkacayo Sacuudiga, isaga oo dhinaca kale sheegay in dowladda federaalka xaq u leedahay in looga danbeeyo siyaasada arimaha dibada.

Waxaa uu sheegay Cabdiwali Gaas oo la hadlay VOA in dowladda federaalka ugu baqeen in ay ka laabato mowqifka dhaxdhaxaadnimada ah oo ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

‘’Arintani waa talo aynu siineyno dowladda federaalka oo aan ka codsaneyno in ay dib u eegto go’aanka dhaxdhaxaadnimada ah oo ay ka qaadatay khilaafka ka taagan wadamada Khaliijka oo anaga ka Puntland ahaan aan u aragno in uusan sax aheyn waqtigan la joogo’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay hadal u dhaw in dowladda federaalka aysan qaadan talooyinkii loo jeediyay ee ahaa in ay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay arintan, taasoo keentay ayuu yiri Puntland in ay cadeyso mowqifkeeda la xiriira khilaafka wadamada Carabta.

‘’’ Arintan mudo labo bilood ah ayeey soo soctay, waxaana noo muuqatay  in ay sii cuslaaneyso, taas ayaa keentay in aynu mowqifkeena cadeyno’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Dowladda gobolleedka Puntland ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda Qatar, islamarkana taageerayaan mowqifka xulufada ay horkacayaan Sacuudiga iyo Imaraadka ay ka qaateen xukuumada Dooxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]