4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Golaha wasiirada oo amray in laga guuro Agagaarka Dhabaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Kulankii golaha wasiirada ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa warbixin looga dhageystay wasiirka gadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed A Salaad Oomaar.

Wasiirka oo golaha wasiirada warbixin ka siiyay howlaha casriyeeynta ah ee ka socda garoonka Aada Cadde, ayaa sheegay si uu u helo aqoonsi caalami ah garoonka loo baahan yahay in laga guuro ama la baneeyo 150m dhinac walba Dhabaha ay diyaaradaha ku soo degaan ee Run Way.

Golaha wasiirada oo qodobkan dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay ayaa ugu danbeyntii isku raacay in la baneeyo 150m Dhabaha ay diyaaraduhu isticmaalaan ee garoonka Aadan Cadde.

Qodobkan ayaa ka dhigaya haddii uu hergalo dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mid ka duwan sida uu hadda yahay, waxaana qorshuhu yahay in garoonku shaqeeyo wixii hadda ka danbeeya xiliyada habeenkii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]