4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
11 qof oo ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur-Africa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay

 
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Qiyaastii 11 qof oo ganacsato Soomaali ah ayaa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay dalka Koonfur-Africa, sida ay sheegayaan ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi ku ganacsada.

Ganacsatada la dilay ayaa waxaa ay goobo ganacsi ku-kala lahaan jireen deegaanno ka kala tirsan goballada Limpopo, Gueteng , Kwazunatala iyo gobolka Western Cape.

Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ”Ukun”, oo ah guddoomiye ku-xigeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa, ayaa sheegay in dadkaasi ay dileen kooxo burcad ah.

“Dadkan qaarkood ama saddax ka mid ah dilalkooda waxaa uu yimid markii lagu gubay goobahooda ganacsiga. Midkii ugu dambeeyay dhaawac ahaan ayaa isbitaalka loo geeyay, halkaas ayuu ku dhintay”, ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in qaar kamid ah ganacsatada la dilay iyaga oo kasoo baxaya goobahooda ganacsi.

Dalka Koonfur-Africa, ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo halkaasi ku leh goobo ganacsi balse waxaa ay inta badan ka qabaa in dilo. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia