4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Midowga Yurub “2 Million oo dollar ayaan ugu talagalnay in 1,000 qof oo dhallinyaro Soomaali ah shaqo-abuur loogu sameeyo”

 
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) –Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, oo shalay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa sheegtay in 2 million oo dollar ay ku bixinayaan shaqa abuurka 1,000 qof oo dhallinyaro Soomaali ah.

Md. Khayre, ayaa soo dhoweeyay hindisaha Midowga Yurub ee shaqaalleysiinta dhallinyaradda.

R/wasaare Khayrre ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey warqada, ballanqaadka iyo taageerada dhinac walba ah, waxaana uu yiri: “Waxaan Safiirada iyo Midowga Yurub uga mahadceliyey warqada qoraalka oo ay ku caddeynayaan sida ay diyaarka ugu yihiin garab-istaaga dhan walba ah. 

Midowga Yurub waxey 2 Million oo Euro ay ku bixiyeen taageerada Booliiska, halka 2 Million oo kale ay ugu talagaleen in 1000 dhalinyaro ah shaqo loogu abuuro, 300 oo kamid ahna jidka 30ka lagu kabo iyo in Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo qeyb ka mid ah dhaqaalahaas.”

12-kii bishan Augusto Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ka qeyb-galay munaasabada xuska maalinta dhllinyaradda Adduunka, ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu shaqaalleysiin doono ku dhawaad 1,000 qof oo dhallinyaro ah.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal badan ku bixin doonto shaqaalleysiinta dhallinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan”, ayuu yiri.

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono” waxaa uu hadalkaasi xalay ka sheegay munaasabaddii lagu xusayay maalinta dhallinyarada Adduunka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia