Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.
Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle madaxweynaha ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.
Waxaa loo diiday warbaahinta in ay tagaan xarunta balse qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa u sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha.