4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo dhambaal hambalyo ah u diray Uhuru Kenyatta

 

Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar “Geele” ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale dib loogu doorty shanta sano ee soo socta madxweynaha dalka Kenya.

Madaxweyne Geelle ayaa ku baaqay ilaalinta sharciga ammaanka iyo xasiloonida Geeska Africa maadama ay ka jiraan inta badan xaalado amaan daro.

Madaxweynah dalka Jabuuti waxaa uu carabka ku adkeeyay in la sameeyay tallaabooyin adag oo lagu sugayo xariirka labada dhinac korna loogu qaadayo cilaaqaadka u dhaxeeyso Jabouti iyo Kenya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu danbeyntii sheegay in Kenya ay kordhineyso howlgalka midowga Africa ee nabad ilaaninta Soomaaliya, si looga adkaado ayuu yiri Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]