Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab halkaa ku toogteen labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas ahaayeen sida laga soo xigtay goob joogayaal ah.
Dhalinyaradan la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Abuukar
Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo
da,diisu aheyd 26 sano jir.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in labadan dhalinyarada ah ee la dilay
qirteen in ay danbiga lagu eedeeyay, balse dhinaca kale ma jirin Qareen
difaacayay raggan la toogtay, madaama Al-shabaab aysan wax Qareen u qaban dadka
ay xukumaan.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa Internet-ka ku baahiyay in dhalinyaradan ay dileen u adeegayeen sida ay hadalka ku dhigeen maamulka Jubballand.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale meel fagaaro Al-shabaab ku
dilaan dhalinyaro ay ku eedeeyeen danbiyo kala duwan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]