4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
AMSIOM oo maamulka Hirshabeelle u tatabari doonta ciidamo Police ah

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Wafdi ka socda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laba maalin oo tababar ah waxaa ay usoo geba-gebeeyeen ciidamo police ah oo u diiwaan gashan maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga waxaa hogaaminayay taliyaal ciidan oo ka kala socday AMISOM iyo Poice-ka Somalia, waxaana labadda dhinac ay sheegeen muhiimadda ay leedahay kobcinta iyo taageeridda ciidanka nabad-gelyada.

“Waxaa lasii wadi doonaan caawinta ciidanka maamulka si ay isku filnaasho u gaaraan”, ayeey yiraahdeen.

Dhinaca kale Howlgalka Midowga Afrika, ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah uu u tababarayo maamulka Hirshabeelle. 

Ciidamada Booliska ah ayaa tiradooda lagu sheegay 1,000 Askari, 600 oo ka mid ah waxaa ay ka imaan doonaan Magaalladda Baladweyne, halka 400 oo kalena ay ka iman doonaan magaalladda Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle. 

“Amisom,waxaa ay sii wadi doontaa, tababariidda, dib-u-dhiska, Qalabeynta iyo diyaarinta Booliska Soomaaliya, waana shaqo naga go’an ka Amisom ahaa, waxaa kale oo aan hagaajineynaa xarumaha Booliska sida Sladhigyada iyo guryaha Saraakiisha, si loo gaaro hadafka aan halkan u joogno.”,sidaas waxaa yiri Chikunguru Maxwell oo ah isku xiraha Booliska Amisom. 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan, ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan tababarka lasiinayo ciidamada Police-ka ee maamulka Hirshabeelle.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia