4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Khayre “Ciyaaraha waxaa ay dhallinyarada kusoo jiidaan nabadda”

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro ay dadka kusoo jiideen ka shaqeynta nabadda, iyagoona kasoo jeesta colaadihii daashaday.

Md. Khayre, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka qeyb-galay ciyaar lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka, waxaana ciyaarahaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuuna xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin iyadoo xiligan dalka uu kasoo kabanayo marxaladihii adkaa.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhallinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhego nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia