4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2017
Guurtida Soomaaliland oo ka hadashay mooshinka baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhanka ah hishiiska Berbera

 

Axad, April, 09, 2017 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa markii ugu horeeyey ka hadlay Mooshinka Baarlamaanka Soomaaliya ka keenay heshiishka Saldhiga Berbera ee Imaaraadka laga kireeyey oo baarlamaanka Somaland ogolaadeen.

Gudoomiye ku xigeenka Guurtidda Siciid Jaamac oo wariyaashu su’aalo ka waydiiyeen mooshinka xildhibaanadda Soomaaliya wadaan ee ka dhanka heshiishka Militari ee Somaliland la gashay dalka Imaaraadka Carabta, haseyeeshee waxa uu sheegay inay laba dal kala yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteed wax saamayn ah ku lahayn mooshinkaasi heshiishkan.

“Xildhibaanadda Xamar ee leh heshiish baan burinayaa, dee Somaliland Xamar heshiish lama galin,Somaliland iyo Xamarna laba dal oo kala gaar ah weeyi, dalna dal kale arrimihiisa iyo horumarkiisa kama hadli karo”ayuu yidhi Siciid Jaamac.

Mar la waydiiyey inay saamayn ku yeelan karo Somaliland mooshinkaasi xildhibaanadda Soomaaliya wadaan haddii uu dhaco, waxa uu ku jawaabay “Wax saamayn ah uu ku yeelanayaa ma jirto, waayo wax inaga dhexeeya jiraan, waxaana u aragnaa wax aanay shaqo ku lahayn oo waxba ugu jirin inay ka shaqaynayaan,waana hawl aan iyaga u oolin, hawshiina uun ku eekaada ayaan farayaa.”

Xildhibaanadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadaan mooshin ay ku burinayaan Heshiishka saldhiga Militari ee Berbera laga yagleelayo ee Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, inkastoo xukuumada Somaliland sheegtay in arrintaasi faro galin ku tahay arrimaha Somaliland oo Soomaaliya farogalinayso.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland