Wasiirka warfaafinta oo isbadal weyn ku sameeyay waaxyaha ay ka kooban tahay wasaarada
Axad, April, 09, 2017 (HOL) - Wasiirka
cusub ee wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan
Yariisoow ayaa is badal weyn ku sameeyay waaxyaha ka kooban tahay wasaarada.
Wasiirka ayaa shaqadii ka joojiyay
agaasimihii guud ee wasaarada C/risaaq Bahlaawi iyo madaxii agaasimka maamulka
Xassan Basal.
Wasiirka ayaa shaqo ka joojinta
agaasimihii guud ee wasaarada ku micneeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, madaama
ayuu yiri dowladda ka go’an tahay in si walba ula dagaasho musuqa.
Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta
xukuumada Soomaaliya ayaa si KMG loogu magacaabay C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala
oo horay u ahaa agaasimaha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Sidoo kale wasiirka ayaa agaasimaha TV-ga
Qaranka u magacaabay Liibaan Cabdi Cali , halka Agaasimaha Radio Muqdisho uu
noqday Cabdifitaax Daahir Jayte.
Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa agaasimaha
guud ee wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u magacaabay in uu noqdo nin
magaciisa lagu soo koobay Heybe.
Is badalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa
ee uu sameeyo wasiirka tan iyo markii xilkan loo dhaariyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]