4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2017
Burcad-baddeed Soomaali ah oo afduubtay doon ganacsi

 
Axad, April, 09, 2017 (HOL) –Kooxaha burcad badeeda Soomaalidda, ayaa doon nooca ganacsiga ah kasoo afduubtay marin biyoodka mashquulka badan ee dalka Yemen.

Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingiriiska, ayaa website ay leedahay ku daabacay in ay heleen warbixin muujineysa in doon badda dhex fadhida ay hareereeyen kooxo burcad badeed ah.

Dhinaca kale warbixin, ayaa muujisay in kooxda burcad badeeda ay afduubteen doon uu ka dul babanayo calanka “Tuvalu”.

Afhayeenka taliyaha howlgalka midowga yurub ee la dagaalanka kooxaha burcad badeed Soomaalidda, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan jiritaanka afduubka.

Bilowgii bishan, Burcad-baddeeda waxay Dooni ay la socdeen 11 Badmaaxiin u dhalatay dalka Hindiya ka soo qafaasheen inta u dhexeysa Jesiiradda Sokhorta iyo Xeebta Somalia..

Sidoo kale isla todobaadkaasi waxaa ay afduubteen doon iyo shaqaale ajnabi ah oo saarnaa, taas oo ka dhigeysa in ay dib u soo noqotay awooda kooxaha burcad badeeda.

Midowga Reer Yurub ayaa 10 Nofembar, 2008, ka bilaabay xeebaha waddanka Somalia hawlgal ay burcad badeeda Soomaalida uga hortagayaan.

Hawlgalkan oo loogu yeeray hawlgalkii Atlanta waxa ay ujeedadiisu aheyd in lagu difaaco maraakiibta hey'adaha Qaramada Midoobay ee gargaarka u sida Somalia.

Hawlgalkan Midowga Reer Yurub ayaa xiligaasi waxaa lagu bilaabay ugu yaraan toddobo maraakiibta dagaalka ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Waxaa uu ahaa hawlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Midowga Reer Yurub ay sameeyaan.

Allah ha u naxariistee Madaxweynihii Dowladdii KMG-ka aheyd ee Somalia Cabdullaahi yusuf ayaa dhowr bilood ka hor xiligaa waxa uu ku baaqay in beesha caalamku ay wax ka qabato burcadbadeeda Somalia.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia