4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2017
Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo sheegay ilaa 4,000 oo Soomaali ah la soo celinayo

 

Axad, April, 09, 2017 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad Ciise ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ku warglisay in ilaa 4, 000 oo ruux oo Soomaali ah dib looga celinayo dalka Soomaaliya.

Safiirka oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in dadka ay u ku soo celinayso dowladda Mareykanka Soomaaliya in aysan aheyn kuwa ku jira xabsiyadda oo keliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dowladda Mareykanka ay ka doonayaan dhinacooda faah faahin la xariirta sababta loo soo tarxiilo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaa ku darray safiir Cawad in uu la kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka uun arintaasi kala hadli doono.

Ugu danbeyntii, tan iyo markii dib loo howlgaliyay safaarada Soomaaliya ee Mareykanka waxaa jiray dad badan oo Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka, kuwaa oo laga soo tarxiilay Mareykanka oo ay markii hore ku noolaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]