4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Jubada Hoose

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Ciidanka militeriga dowladda Kenya, ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Baashe Nuur Xasan, kadib dagaal ka dhacay Jaziirada kudhaa ee gobolka jubadda hoose.

Afhayeenka ciidanka difaaca dalka Kenya Col. Joseph Owuoth, ayaa  sheegay in ciidanka Kenya oo taareego ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab in dagaal xooggan uu ku dhexmaray jaziirada.

Colonel Jozeph, ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay Al Shabaab soo qaadeen, isagoona xusay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Baashe Nuure, ayaa dowladda Kenya ay sheegtay in uu ka mid ahaa dadka deegaanka kuna dhashay jaziirada Kudhaa, ka hor inta uusan ku biirin Xarakadda Al Shabaab.

Ciidanka difaaca dalka Kenya, ayaa dhinaca kale sheegay in ay saddex qori oo nooca AK47 ah iyo qoryo culus ay kala hareen AlShabaabkii weerarka soo qaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Kenya waxaa lagu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya in aysan wax khasaara ah kasoo gaarin mudadii dagaalka uu socday.

Ma jirto war kasoo baxay Xarakadda Al Shabaab oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Jaziirada kudhaa ee gobolka jubadda hoose.

Goboladda Jubooyinka ayaa waxaa ku sugan ciidamo American ah oo taareera siiyay AMISOM, waxaa bishii lasoo dhaafay ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin jubada dhexe.

Maxweynaha maamulka Jubaland Ahmed Madoobe, ayaa horaantii bishaan sheegay in ay dhawaan qaadayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

20,000 oo askari oo ka socda Midowga Africa, ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaas oo la dagaalamaya Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia